Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo loo ballan-qaaday in laga taageerayo dagaalka ka dhanka ah AS.

Talaado, 6-2- 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo ku sugan wadanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga dalka Uganda Gen, Wilson Mbadi.

 

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo dowladda Uganda ay ballan-qaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab.

 

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo Al Shabaab ,iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerada ciidamada xoogga dalka .

 

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa booqday kuliyadda difaaca Qaranka Uganda oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxuuna kula kulmay kuliyadda saraakiisha milateriga dalkaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA