Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hoobiyaal lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro ka dhashay.

Talaado, 6-2- 2024 (HMC) – Tiro madaafiic ah ayaa goordhaw lagu garaacay qeybo kamid ah suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho , waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiicda.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureysa iyo bangiga Salaam , aaga ay madaafiicda ku dhaceen ayaana ah goob aad u mashquul badan oo dadku ku badan yihiin.

Dad badan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray madaafiicda ku dhacday suuqa Bakaaraha ayaa isbitaal loola cararay, waxaana aaga madaafiicda ku dhaceen ka dhacay kala carra iyo argagax badan.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA