Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay in Maanta Hoobiyaal lagu garaacay Suuqa bakaaraha.

Talaado, , 6-2- 2024 (HOL) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa Bakaraaha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ka dhacay Bakaaraha.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay ineysan jirin weerar hoobiyaal ah oo lagu garaacay Suuqa Bakaaraha, hayeshee ay ahayeen waxa ka dhacay Bakaaraha qaraxyo ay diyaariyeen kooxda Al-shabaab.

“Waxba kama jiraan hoobiyeyaal wax la yiraahdo oo lagu garaacay suuqan, qaraxyo caadi loo waday ayay ahayeen oo ay kooxdu diyaarisay. waxayna ahaayeen beegsi la beegsanaayay ganacsatada, gaar ahaan ganacsatadii maanta halkan dhibka uu ku gaaray” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo la xariira khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan oo geystay dhimasho iyo dhaawac gaaray dad isugu jiray ganacsato, muruqmaal iyo dad weyne kale.

“Baaritaanka ayaa weli socda oo hay’adaha amaanka ay ku mashquulsan yihiin haddii uu Ilaah yiraahdo gadaal ayaan faahfaahin rasmi ah laga bixin doonaan” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Weerarkaan maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa wararka hordhaca ah ee aan la xaqiijinin ay sheegayaan iney ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, waxaana sidoo kale ku burburiyay dhismayaal iyo goobo ganacsi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA