Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

MW JFS Xasan Sheekh : “Itoobiya waxa aan leenahay kusoo noqo dhaqanka suuban ee adduunka ku dhaqmo & Dowlad-wanaaggga”.

Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Itoobiya u diray fariin ku aaddan in ay meel iska dhigto damaca gurracan ee ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah Biyaha & Dhulka Soomaaliya.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax weliba laga wadi hadli karo balse marnaba anaay gorgortan laga geli Karin Dhulka, Badda & Hawada oo ah hanti guud ahaan leedahay Soomaalida isla markaana aanay jirin cid si gaar ah u bixin karta.

Madaxweyne Xasan Waxa uu madaxda Talada Itoobiya haysa ugu baaqay in ay kusoo noqdaan dhaqanka Suuban ee Adduunka ku dhaqmo & Dowlad-Wanaagga oo ku xusan xeerarka lagu dhisay ururrada kala duwan ee caalamiga ah.

“Itoobiya waxa aan leenahay damaca dhulka ayaan qaar goosanayaa ka imaaw, maalinta aad ka timaado waxa kasoo haray oo dhan waan kawada hadlaynaa oo waxa aan hubaa in aan ka heshiin karno balse faraqa ayaan kaa haystaa & ii daay meeshaas heshiis kama dhasho” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka reer Itoobiya ayuu sheegay in aanay xasadnimo u qabin Soomaaliya balse Dowladdooda ay ku dhaqaaqday go’aan aan wanaagsaneen oo marnaba lagu juujuubi Karin (lagu qasbi Karin) Soomaalida si ay ugu sabarto Dhul, Dad & Bad isla socda.

“Dadka reer Itoobiya, Shacabka & Qowmiyadaha kala duwan wax xumaan ama xasadnimo ah haba yaraatee ma jirto, Dowladdooda ayaa tacaddi ku jirta oo ka baxday dhaqanka Dowladnimo & derisnimo, waxa aan leenahay dhaqanka Suuban kusoo noqo, Dhul, Bad & Dad isla socda in nalaga qaado nalaguma-qancin karo” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhiidhisay heshiis beenaadkii Itoobiya ay shaacisay 1dii Janaayo 2024 ee ay ku sheegtay in ay la gashay Maamulka Somaliland kaas oo ka hor imaanaya madaxbannaanida & Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA