Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ninkii ku Eedeysnaa in uu Xaaskiisa Gubay oo Muqdisho laga soo dajiyay.

Talaado, 6-2- 2024 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo dajiyay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka NISA ee ayaa maalnimadii shalay eedeysanaha ka soo qabtay deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana barqanimadii maanta diyaarad uga soo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo February 3, 2024-ka warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay baadi goobayaan Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo la sheegay in todobaadkii hore uu Muqdisho ku gubay xaaskiisa.

Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis waxaa la sheegay in ay uur u lahayd Ninka Gubay ee magaciisa lagu sheegay Sayid Cali Xaaji Daauud halka sidoo kale horay ay u haysatay Carruur agoon ah sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen dad u aqoon u lahaa Marxuumadda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA