Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taliyayaasha Militariga Soomaaliya & Uganda oo Kulan Gaar ah wada Yeeshay.

Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal ibraahim Sheikh Muxudiin caddow oo ku sugan wadanka Uganda ayaa la kulmay Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo Dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto la dagaalanka Alshabaab .

Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Jeneraal ,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Alshabaab iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiil Kala duwan oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda.

Dawlada Uganda ayaa dalkeena Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka ATMIS oo Dawlada ka taageeraya Suhida Amniga .

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA