Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu Blinken marki shanaad u aaday Bariga Dhexe.?

Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Qasriga looga arrimiyo Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay, in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka.

War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay, in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay.

Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth. Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay, isla markaana uu rajeynayo inuu dib ugu soo laabto shaqadi uu u hahay dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan.

Soo ifbixidda kansarka ee Boqor Charles ayaa timidm kaddib saddex habeen oo uu bishi hore ku jiray isbitaal, halkaas oo uu ku maray qalliin looga daweeynayay qanjirka burustaatada.

Hogaamiyaasha Australia iyo Canada, oo ka mid ah dalalka hoos yimaada taliska Boqor Charles ayaa u rajeeyay caafimaad, halka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu ka walwalsan yahay warka kasoo yeeray boqorka, isla markaana uu qorsheynayo inuu telefoonka kula hadlo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA