Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wiil oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Waxaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaqshiid lagu dilay nin dhallinyaro ah oo la dhashay taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugida Soomaaliya haddana ah xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Sida aan wararka ku helnay koox katirsan hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dilka Cabdi Cabdullaahi Maxamuud oo isna katirsanaa ciidanka NISA, dilkan ayaana dhacay xalay saqdii dhaxe xilli dadka badi hurdayeen.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilkan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in la xiray askar katirsan nabad sugida oo lagu tuhmayo in dilkan ka dambeeyeen.

Qoyska wiilka la dilay ayaana ka codsaday taliska NISA in la cadeeyo cidda ka dambeysaydilka wiilkooda kahor inta aan la duugin, waxa ayna dalbadeen in caddaalada la horkeeno dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka howlaga ciidamo badan oo dhar-cad ah kana tirsan hay’adda NISA, ciidankan ayaana inta badan wax ka bedelay ammaanka magaalada Muqdisho, i oo mararkii hore dilalka ku badnaayeen.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA