Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Bada Puntland oo gacanta ku dhigtay doon siday HUB iyo raggii la socday

Arbaco, , 7-2- 2024 (HMC) Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka lagu soo qabtay doon siday hub sharci darro ah iyo raggii la socday, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen burcad badeed

 

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka Raas Caseer ee maamulkaasi, ayada oo gacanta lagu soo dhigay doonidaas iyo saddex qof oo la socday

 

Taliyaha qaybta ee gobolkaasi, Gaashaanle Fu’aad Maxamuud Xuseen oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay iska kaashaadeen ciidamada booliska iyo kuwa ilaalada xeebaha ee maamul goboleedka Puntland

 

Fu’aad ayaa sheegay in hubka gacanta usoo galay uu yahay mid casri ah, uuna ka kooban yahay qoryo, rasaas iyo shidaal ay wateen burcadda lasoo qabtay

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in eedeysanayaasha saddexda ah ee la qabtay la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan

 

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna la dagaalamu doonaan burcad badeeda iyo cid kasta oo halis ku ah amniga deegaanka

 

“Ciidamada ammaanka ayaA ku raad-jooga burcad badeedda falalka amni darri ka wada xeebaha bari ee ee Puntland iyo cid kasta oo carqaladeyneysa amniga gobolka” ayuu yiri

 

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo bilihii lasoo dhaafay kooxaha burcad badeeDda ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen xeebaha Soomaaliya, ayaga oo weeraray dhowr markab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA