Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faah faahino laga helayo Haweeneey lagu dilay degmada Cabudwaaq

Arbaco, , 7-2- 2024 (HMC) Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay gudaha degmadaas ku dileen Haweeneey caanka aheyd degmadaas

 

Alle ha u naxariistee Haweeneyda la dilay oo lagu Magacaabi jiray Foos Aadan Nuure Xuubeey ayaa xilliga la dilayay waxaa ay ku wajahneyd Hooygeeda oo kuyaalla Xaafada Ubax ee degmda Cabduwaaq

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Haweeneyda, waxaana wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in dilka ay ka dambeeyeen Kooxo hubeysnaa oo burcad ahaa, kuwaas oo ka dhacay Mobile ay wadatay

 

Ciidamo katirsan kuwa laamaha amniga degmada Cabudwaaq ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku qabteen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan dilkaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA