Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynihii hore Donald Trump oo laga qaaday xasaanada madaxweyne hore

Arbaco, , 7-2- 2024 (HMC) Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka qaaday xasaanadii madaxweyne hore, waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashadii Mareykanka ee 2020

 

Trump ayaa ku andacoodey in kiis sharciyeed taariikhi ah uu ka badbaadi karo eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay, isagoo soo bandhigay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa madaxweynenimo

 

Hasayeeshee xukunka maanta ka soo baxay maxkamadda Washington DC ayaa meesha ka saaray sheegashada iyo doodaha Donald Trump

 

Go’aanka maxkamadeed ee maanta soo baxay wuxuu dib u dhac ku yahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweyne hore, isagoo la dagaallamaya kiisas badan

 

Donald Trump ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taas oo la micno ah in kiiska uu ugu dambeyntii u gudbi karo maxkamadda sare, halkaas oo muxaafidku ay ku heystaan aqlabiyad 6-3 ah

 

La-taliye sare Jack Smith ayaa Trump oo 77 jir ah ku soo oogay dacwad ah in uu maleegayay in uu meesha ka saaro guushii Joe Biden ee doorashadii 2020 iyo in uu sameeyay wax isdaba marin, si uu xafiiska u sii joogo

 

Maxkamadeynta Donald Trump ayaa markii hore loo qorsheeyay 4-ta Maarso, laakiin dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo go’aanka dacwadda xasaanadda oo maanta uu dhacay xukunkii ugu horeeyey oo racfaan uu ka qaadan karo

 

Waxay dib u dhici kartaa in go’aankaas la gaaro dhowr toddobaad haddii aysan bilo noqon, wuxuuna kiiskaan ku soo dhamaanayaa Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA