Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Kasoo Kordhay Qaraxyadii shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha?

Arbaco, , 7-Feb- 2024 {HMC} MUQDISHO —  Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo xiriir ah oo shalay ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaasi oo lala beegsaday dukaamo ganacsi oo gaar loo leeyahay.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan marayso 12, halka dhaawacuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimashada ee laba isbitaal oo ku yaalla magaalada.

Xoagaha La Helay iyo macluumaad ku saabsan dhaawaca iyo dhimashada la geeyey labada isbitaal ee kala ah Madiina iyo Recep Tayyip Erdogan ama EX-Digfeer.

Macluumaadkaasi, oo aanu ka helnay wasaaradda caafimaadka ee dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa muujinaysa in Isbitaalka Medina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.

Sidoo kale isbitaalka Recep Tayyip Erdogan ayaa qabtay 32 qof kuwaasi oo 4 qof oo ka mid ah ay mayd ahaayeen, halka inta kalena ay dhaawac yihiin.

Qaraxyada shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa badankood lala beegsaday dukaamada iibiya qalabka elektoroonikada, waxaana laamaha amniga ay sheegeen inay qaraxyadaasi ka dambeeyeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab. Al-Shabaab ayaan weli rasmi ahaan uga haldin qaraxyadan.

Laamaha amniga ayaa sheegay in qaraxyadan ay sababeen miinooyin la dhigay goobahan ganacsi.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA