Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaar kamid ah Magacyadda iyo sawirka dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkii Suuqa Bakaaraha ka dhacay.

Arbaco, , 7-Feb- 2024 (HMC)  In ka badan 10 qof ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku naf-waayeen tiro kor-u-dhaafaysa 20 kale ay ku dhaawacmeen weerarkii shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya falkaas. Fahfaahinada qaar waxay ku tilmaamayaan qaraxyo. Balse, tafaasiil kale waxay muujinaysaa in ay ka dhasheen hoobiyeyaal tirodoodu ka badan tahay saddex.

Muuqaallo aad ugu faafay baraha bulshadda waxay muujiyeen meydad daadsan dhulka saacadihii ugu horeeyay weerarka iyo dad fara badan oo buux-dhaafiyay isbitaaladda magaala madaxda.

Illo dhanka caafimaadka ah waxa ay xaqiijiyeen in badi dadka ay waxyeelada kasoo gaartey falkan ay yihiin shacab gaar ahaan ganacsatadda mehradaha lagu iibiyo agabka elektaroonika.

Magacyadda dadka dhintay

1) Cabdilaahi Maxamuud Axmed

2) Xasan Daahir Guutaale

3) C/raxmaan Cabdulaahi Xuseen

4) C/qaadir Maxamed Gurey

5) Nuur Shidane Ayaanle

6) Maxamed Ciise Muumin

Magacyadda dadka dhaawacmay

1) Cumar Jimcaale Xuseen

2) Bashiir Abuukar C/qaadir

3) Maxamed C/qaadir Cabdi

4) C/raxmaan Axmed Xasan

5) Maxamed Maxamuud Aadan

6) C/fataax cali maxamed

7) C/laahi Cabdi Cali

8) Daa’uud Maxamuud Warsame

9) Abdirahman Ahmed Hassan Diini

10) Cali Ahmed Hassan Diin

11) Daa’uud Gaboobe Sahal

12) Yahye Gaboobee Sahal

Lama oga sababta ka dambeysay qaraxyadan, inkastoo kooxda Al-Qaacida ee xiriirka la leh Al-Shabaab ay si joogto ah qaraxyo uga fuliyaan gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Balse, saraakiisha ammaanka waxa ay caddeeyeen in ay waddaan baaritaan ku saabsan waxa sababay weeraradan halka dadka qaarkood ay sheegayaan in ay ka dhasheen hoobiyeyaal.

Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo nabad ilaalin ah oo Midowga Afrika (AU) ay u xilsaaran yihiin.

Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan ganacsato, waxaana inta badan dadka ku dhaqan ay maalin walba ka iibsadaan cunnada, dharkooda, dawooyinkooda, qalabka elektaroonigga ah iyo agabka kale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA