spot_imgspot_imgspot_img

Xaalada Bini”aadantinimo oo Daran oo Ka Jirta Marinka Gaza

Arbaco, , 7-Feb- 2024 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kororka nafaqo-xumada ba’an ee carruurta, gaar ahaan carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, iyo haweenka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya ee Gaza ay weli tahay “walaac weyn.”

Warbixintii u dambaysay ee ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xidhka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegaysa in nafaqo-xumo ba’an lagu arkay 9.6% 3,500 carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 6 bilood iyo 5 sano jir ee Gaza, taasoo laba iyo toban laab ka badan heerka ay aheyd ka hor weerarkii 7da Oktoobar

Waqooyiga Gaza, waxaa jirtay 16.2% heerka nafaqo-xumada ba’an ee carruurta, taas oo ka sarreysa heerka halista ah ee Ururka Caafimaadka Adduunka oo ah 15%.

OCHA ayaa sheegtay in qiyaastii 75% dadka Gaza ee 2.3 milyan gaaraya ay barokaceen ayna soo food saartay cunto yari, biyo, hoy iyo daawo yari.

Xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Khan Younis ayaa sii wadda kumannaan qof oo dhanka koonfureed uga sii socota dhanka Rafah, halkaasoo intooda badan ay ku nool yihiin dhismayaal ka sameysan cooshadaha, teendho ama bannaannada.

Kaliya afar ka mid ah 22 ka xarumaha caafimaadka ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee Gargaarka Qaxootiga Falastiin ayaa wali ka shaqeeya Marinka Gaza sababo la xiriira duqeymaha socda ee Israel iyo xannibaadaha gelitaanka goobaha qaar”, ayay hay’addu sheegtay.

WARARKA