Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamo Itoobiyaan oo xilliga habeenkii ah Bandow ka dhaqan geliyay Degmo ka tirsan Gedo

Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC}  Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo aan qeyb ka aheyn howlgalka ATIMIS, kuna sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xilliga habeenkii ah bandow kusoo rogay magaalada, kaasi oo dhaqan galay.

Dad ku sugan gudaha Doolow ayaa waxaa ay kusoo warrameen in bandowga ay ciidamada Itoobiyaan ah ka dhaqan geliyeen degmada, isla markaana dadka deegaanka ay habeenkii guryahooda ku xaroodan waqti hore.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa howlgal ka sameeya xaafadaha kala duwan ee degmada Doolow, iyagoo dadka ay ku arkaan waddooyinka ku amra inay ku xaroodan guriga, ayna joojiyaan dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan bannaanka.

Ciidamada ayaa waxa oo kaloo ay howlgal culus ka sameeyeen waddada xiriirisa Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaasoo dhawaan lagu dilay 6 qof oo Oromo, Ujeedka howlgalada ayaa lagu sheegay mid ay ciidanka uga hortagayaan in falal kale lagu beegsado dadka Itoobiyaanka ah.

Weerarka todobaadkan ka dhacay magaalada Beledxaawo ayaa lagu beegsaday maqaaxi ay fadhiyaan dad Oromo ah waxaana lagu dilay Lix ruux halka tiro intaasi kabadanna lagu dhaawacay, waxaana mas’uuliyada weerarkaasi dusha looga tuuray Al-Shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA