spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kulan looga hadlay Adkeenta Amniga deegaanada Jubbaland oo ka dhacay Magalada Kismaayo

Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo la dagaalnka dagaalamyaasha oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo

 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Warbixino la xiriira howlaha nabadgalyada ka dhageystay saraakiisha ammaanka Maamulka Jubbaland iyo halka ay marayaan howlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka

 

Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa inta uu socday shirka kusoo Bandhigtay guulaha ciidanka daraawiishta Maamulka iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamada ka sameeyeen deegaannada Maamulkaasi

 

Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaasha Ciidamada, Wasiirka amniga Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale waxaana laga hadlay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay ka joogaan Jubbaland

WARARKA