Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC} Dhacdooyinka aadka looga argagaxo ee ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa ayna dhacdooyinkaasi noqdeen kuwa aad looga naxo una hadal hayaan bulshada
War goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in haweeney maanta magaalada Muqdisho ,gaar ahaan kaamka loo yaqaan Badbaado ee kuyaalla degmada Dharkeenley ku dishay ninkeeda oo katirsanaa ciidanka dowladda
Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaan Maxamred ayaa katirsanaa ciidanka xasilinta caasimadda , waxa uuna askariga kamid ahaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea
Sida aan wararka ku helnay haweeneyda dilka geesatay ayaa la sheegay in ninkeeda oo hurda qoorta xariga u galisay kuna ceejisay ilaa inta uu ka dhintay, ninka ayaana awoodi waayay in uu iska bad baadiyo dhagarta xaaskiisa
Haweeneydii dilka geesatay ayaa la sheegay in goobta isaga baxsatay markii ay hubsatay in uu dhintay ninkeedii, waxaana mar dambe goobta gaaray oo meydka ka qaaday baarisna bilaabay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya
Dilkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo maalmo gudahood ka dhaca qeybo kamid ah dalka, dhowr maalin kahor nin ayaa xaaskiisa gubay sidaasna ugu geeriyootay Muqdisho, halka nin kalana uu xaaskiisa oo carruur badan u heysay ku gowracay degmada Qoryooley.