Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiyaha Kataib Xizbullah

Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC} Millatariga Mareykanka ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago ay xalay ku dileen, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Kataib Xisbullah, oo ah urur aad u hubeysan oo Ciraaqi ah balse ay taageerto Iran.

Weerarka oo ka dhacay magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq, ayay saraakiisha Mareykanku sheegeen in ay ku dileen, hogaamiyaha kooxda Kataib Hezbollah oo ay Washington sheegtay in ay si toos ah masuul uga aheyd, diyaarinta iyo ka qeybgalka weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Bariga Dhexe.

Warka xalay kasoo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeynti ay ka fuliyeen Baghdad aysan dad rayid ah wax ku noqon. Ilo wareedyo kasoo baxay Ciraaq iyo Iiraan ayaa lagu sheegay, in duqeyntaasi lagu dilay Wissam Muxammad Saabir Al-Sacdi, oo ku magac dheeraa Abu Baqir Al-Saadi.

War iyaguna kasoo baxay Kataeb Hezbollah, ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay hogaamiyihi howlgallada Suuriya ee kooxda. Waxay sheegeen inuu ku dhintay duqeyn ay la beegsadeen Mareykanka.

Qarraxa lagu dilay hogaamiyahan ayaa ka dhacay xaafadda Mashtal ee bariga magalaada Baghdad. Saraakiisha Mareykanka waxay xaqiijiyeen in fulinta weerarkaasi aysan la socodsiin dowladda Ciraq. Arrintaasi ayaana laga cabsi qabaa in ay keento caro ka timaadda madaxda Ciraq.

Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli ay maalmahani aad u kacsaneyd xiisadda gobolka Bariga Dhexe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA