Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Hirgalay Dadaalada Xabad Joojinta Marinka Gaza?

Khamiis-08-Feb- 2024-{HMC} Dhexdhexaadiyaasha heshiis iyo xabad-joojin ay suurtagal tahay in ay ka dhaqangasho Gaza, ayaa wali xusul-duub ugu jira ka miro dhalinta dadaallada ay wadaan, kaddib marki ay Isra’il iyo Xamaas isku fahmi waayeen qorshe ay kasoo shaqeeyeen dowladaha Mareykanka, Qatar iyo Masar, kaasoo lagu doonayay in labada dhinac ay ku aqbalaan xabbad-joojin.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo wali ku sugan Bariga Dhexe, ayaa rajo ka muujiyay socod siinta heshiiska ay dhinacyadu kasoo shaqeeyeen, xilli maanta oo Khamiis ah lagu wado inuu magaalada Qahira gaaro, Khalil Al-Xayya oo ah sarkaal sare oo hogaaminaya wafdiga Xammaas u qaabilsan wadahadallada.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Xamaas, isaga oo ku tilmaamay “khayaali”.

Xammaas ayaa dhankeeda ku boorrisay dagaalyahannadeeda Gaza in ay dagaalka sii wadaan.

Dalabka ay Isra’il diiday ee uga yimid Xammaas ayaa dhigayay, in la helo Xabad-joojin socon doono muddo ka badan Afar bil, taasoo inta lagu guda jiro la wada xoreyn doono dhammaan la heystayaasha Isra’iil ee gacanta ugu jira Xamaas, in ciidamada Isra’il ay muddadaasi uga baxaan Gaza iyo inta dhammaadka xabbad joojinta lasoo gaba gabeeyo dagaalka.

Dalabkaasi ayay Xamaas uga jawaabtay, qorshe xabad-joojin kasoo baxay dhex-dhexaadiyaasha riixaya xabbad-joojinta ee Qatar, Masar, iyo taliyaasha sirdoonka Mareykanka iyo Isra’il.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA