Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Milatariga Israel oo sii wada weerarada ka dhanka ah Xamaas

Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC} Milatariga Israel ayaa sii wada weerarada ka dhanka ah Xamaas ee ku sugan koonfurta Gaza, iyadoo qaraxyo waaweyn laga soo sheegayo magaalada Rafah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeymaha Israa’iil ay ku garaacday labo guri oo ku yaalla agagaarka Tel Al-Sultan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay masiibo bini’aadantinimo haddii ciidamada Israa’iil ay gudaha u galaan magaalada Rafah, halkaas oo ay gabaad ka dhigteen boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah.

Arbacadii Israa’iil waxay diiday shuruudaha Xamaas ee xabbad joojinta, laakiin wadahadallada ayaa ka socda Qaahira (halkaas oo wafdi ka socda Xamaas lagu wado inay la kulmaan dhexdhexaadiyeyaasha kakala socda Masar iyo Qatar.

Boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa sidoo kale bilaabay booqasho uu ku marayo caasimadaha galbeedka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA