Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saartay soo qabashada ninkii xaaskiisa nolasha ku gubay

Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC} Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay soo qabashada eedeysanihii lagu eedeeyay inuu nolasha ku gubay xaaskiisa, kaasoo hay’adda NISA ay kasoo qabatay isagoo baxsad ah degaano katirsan gobolka Mudug.

“UN-ku waxay soo dhoweynayaan sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay baaraan oo ay maxkamadeeyaan xad-gudubyada ku saleysan jinsiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxay ku booriyeen dowladda Soomaaliya in la sii wado tillaabooyinka lagu xaqiijinayo in lala xisaabtamo kuwa geysta dhammaan dambiyadaas. Waxay kaloo UN-ku tacsi u direena qoyska marxuumadda Luul Cabdicasiis.

Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa xaaskiisa oo xaamilo ahayd nolasha ku gubay, kadibna wuxuu u baxsaday gobollada dhexe ee dalka, halkaas oo dabagal dheer kaddib gacanta lagusoo dhigay isagoo ku dhuumalaysanaya meelo jiq ah si uu uga baxsado hay’adaha amniga.

Eedeysanaha oo Muqdisho lagusoo celiyay ayaa baaris kaddib waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la horkeeno caddaaladda, si dambigiisa loogu qaado.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA