Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wadamada Turkiga iyo Soomaaliya oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Khamiis-08-Feb- 2024-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Yaşar Güler.

Wasiiradda Difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis muhiim ah oo la xariira dhinaca Difaaca iyo dhaqaalaha.

“Waxaan wada sixiixaney heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada walaalnimo ee mar walba ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA