Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Walaac laga qabo in Internetka laga jaro Soomaaliya

Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC} Waxaa soo baxaya walaac xooggan oo laga qabo in kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta dalka Yemen qeybo kamid ah maamusha ay jaraan fiilooyinka internetka ee badda hoosteeda mara ee loo yaqaan Fiber Obtica.

Xuutiyiinta Yemen oo muddooyinkan weeraro ka dhan ah maraakiibta waddamada reer Galbeedka ah waday ayaa haddana laga cabsi qabaa in ay dhibaato gaarsiiyaan fiilooyinka internetka ee badda hoostooda mara.

Waxaa hadda soo baxaya walaaca laga qabo in fiilooyinka muhiimka ah ee badda hoosteeda mara ay bartilmaameed cusub u noqdaan weerarrada Xuutiyiinta ee Badda Cas, taasoo muujinaysa khatar kale oo carqaladayn karta isgaarsiinta iyo dhaqaalaha caalamka.

Toddobaadyo ka hor, bog Telegram ah oo ay leeyihiin kooxda Xuuthiyiinta ayaa daabacay warbixin ay ku lifaaqan yihiin sawir muujinaya khariidadda shabakadaha fiilooyinka internet-ka iyo isgaadhsiinta ee mara badda cas iyo gacanka Carabta.

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Soomaaliya ay arrinta ay ka qabto walaac la mid ah dunnida inteeda kale, haddana ay filayaan in kooxdu aysan ku dhiirran karin fulinta weerar noocaas ah.

“Runtii waa jirtaa cabsi badan iyo xaalado kala duwan oo is soo taraya oo laga qabo in kooxda xuutiyiinta ay carqaladeeyna habsami u socdka gancsiga iyo isgaarsiinta aduunka, ayaga oo jaraya xargaha fiber optic-ga” ayuu yir wasiirka .

Xuutiyiinta ayaa haddii ay jaraan xargaha internetka ee badda hoostooda mara waxa ay Soomaaliya ku keeni kartaa dhibaato baddan oo dhinaca isgaarsiinta casriga ah, waxa ayna taasi sababi kartaa khasaaro dhaqaale oo aad u badan.

Internetka Soomaaliya hadda laga isticmaalo ayaa ah midka xargaha fiber Optica ee badda hoosteeda mara, waxaana adag in la helo adeeg kale oo internet raqiis ah, sidoo kale leh xawaare sare haddii la jaro midka hadda la isticmaalo ee badda hoosteeda mara.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA