Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Amarro culus oo caawa kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Jimco 9 Feb-2024 {HMC} Taliyaha Ccidanka booliska Somaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo saraakiil la socotay ayaa caawa kormeer ku tagay xerada taliska u ah ciidanka Haramcad ee loogu magac-daray Gen Farxaan Qaroole.

Jeneraal Sulub ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha taliska u ah ciidanka Haramcad uu booqday, waxa ayna saraakiisha taliyaha uga warbixiyeen shaqada ay ciidanka u hayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa uga mahad-celiyay ciidankan sida feejignaanta leh iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga, waxa uuna ku ammaanay ciidanka doorka ay ka qaateen xasilinta caasimadda.

Ugu Dambeyn taliyaha ayaa amray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara sharafta ciidamada, isaga oo sidoo kale amray in ay kahor tagaan dhagarta ay maleegayaan kooxda AS

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA