Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciraaq oo ku hanjabtay inay ka baxayso isbahaysiga Maraykanka ee ka dhanka ISIS

Jimco -09-Feb- 2024-{HMC} Ciraaq ayaa dhaleecayn xooggan u jeedisay Maraykanka, ka dib weerarkii ay ciidamada Maraykanku ku dileen hoggaamiye sare oo ka tirsan maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee ku sugan dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Ciraaq ayaa weerarkan ku tilamaamay inuu ahaa, “shirqool loo fuliyey si ula-kac ah” oo muujinaya “inaan wax dan ah laga lahayn shacabka iyo shuruucda caalamiga ah”.

Yaxya Rasool oo ah afhayeenka xafiiska ra’iisal wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ay Ciraaq u joogeen inay ka hortagaan kooxda ISIS “Hase ahaatee ay si joogto ah u weecinayaan ujeedooyinkii ay dalkan u joogeen”.

Yaxya Rasool ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrintani ay ku khasbayso xukuumadda Ciraaq inay soo afjaraan ujeedada isbahaysiga, kaasoo haatan noqday mid sabab u ah xasilooni darro, isla markaana Ciraaq ku riixaya inay ku dhex milanto colaadda.

Taliska dhexe ee Maraykanka, oo dusha kala socda hawlgallada ciidamada Maraykanka ee bariga dhexe, ayaa sheegay in weerarka dhacay Salaasadii, in lagu dilay taliye sare oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Kataib Xisbullah, taasoo “masuuliyad toosa ku lahayd qorshaynta iyo ka qayb galka weerarada ka dhanka ah ciidamada Maraykanka ee ku sugan gobolka”

Laba masuul oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyey in taliyaha la dilay lagu magcaabi jiray Wisam Mohammad Al-saedi, isaga oo ahaa taliyaha qaabilsan hawlgallada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA