Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faah-faahino Dheeraad ah oo Kasoo baxaya dhacdo ka dhacday magaalada Muqdisho

Jimco -09-Feb- 2024-{HMC} – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo kale oo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa la sheegay inay timid kadib markii hooyo iyo wiilkeeda oo dhalinyaro ah ay tooreey ku dileen aabihii qoyska.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan tooreyda loo adeegsaday ee ay geysteen wiilka adeerka loo ahaa iyo hooyadiis uu ka dhashay khilaaf gacan ka hadal ahaa oo dhex-maray marxuumka la dilay iyo xaaskiisa.

Marxuumka ayaa ugu dambeyntiina dhiig bax ugu geeriyooday afaafka hore ee guriga, sida uu sheegay wiil yar oo ay wada dhaleen hooyada dilka geysatay iyo aabaha la dilay.

“Hooyo iyo Aabe ayaa markii hore isku buuqay oo aabe ayaa feer isha uga dhuftay hooyo, kadibna hooyo qolka ayay gashay waxay wacatay wiilkeeda weyn oo banaanka ku maqna markii yimid hooyo iyo isaga aabe ayay toorey ku bilaabeen,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray “Aabana banaanka ayuu u cararay oo inuu dhintay uma maleyn lakiin dhiig bax ayuu bananka ugu dhintay.”

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa ganacsatada yar yar ee wax ku iibisa hareeraha Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadaan argagaxa leh ee xalay ka dhacday Kaaraan.

Si kastaba, dilka ninkaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dilalka argagaxa leh ee asbuucyo gudaheeda ka dhacay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo dhawaan uun nin uu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA