Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hungary iyo Midawga Yurub oo dhaleecayn isu jeediyey

Jimco -09-Feb- 2024-{HMC} BUDAPEST, HUNGARY — Hungary ayaa iska fogaysay eedo uga yimi sharciga cusub ee ay ugu magacdareen, sharciga ilaalinta madaxbanaanida, ka dib markii ay Midawga Yurub sheegeen inay qaadayaan tallaabo ka dhan ah sharcigan, oo ay u arkaan inuu yahay mid ku xadgudbaya xuquuqda aasaasiga ah ee nidaamka dimoqraadiyadda.

Hungary ayaa bishii December ee sannadkii hore meelmarisay sharciga qaran ee ilaalinta madaxbanaanida, iyada oo sharcigani uu aasaasayo, waax gaar ah oo baadhis ku samaynaysa cid kasta oo loo tuhmo inay dhaqaale ka helaan cid ajnebi ah isla markaana saamayn ku yeesha doodaha dadweynaha.

Sharcigan ayaa mamnuucaya in dhaqaalaha laga helo debedda in loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka, ciddii jebisana, lagu xukumi doono illaa saddex sannadood oo xabsi ah.

Dadka sharcigan diiddan, ayaa ku eedaynaya inuu yahay sharci furan oo saamayn ku yeelanaya dad aad u ballaadhan, isla markaana uu taabanayo nolosha dadweynaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA