Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug oo geeriyooday iyo Qoor-Qoor ka hadlay.

Jimco 9 Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay geerida ku timid mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Muxyadiin Cabdi Muriidi oo kamid ahaa laacibiintii u qaaday koobkii ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir.

“Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha,” ayuu madaxweyne Qoor-Qoor ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaan ehelkiisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuunka geerida. Ilaahey haka sabar siiyo.

Xulka maamulka Galmudug ayaa dhawaan markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qoor-Qoor oo si weyn u garab taagna laacibiinta xulka Galmudug ayaa xanuunka geerida la wadaagay ehelka iyo asxaabtiisa, isagoo Alle uga baryay inuu ka sabar siiyo.

Galmudug oo si weyn ugu dabaal-degtay guushii koobka tartanka ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayey maanta u tahay maalin murugo, maadaama uu ka baxay mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug u qaaday koobkii sanadkaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA