Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Wadanka South Afrika.

Jimco 9 Feb-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya wadanka South Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad ah oo u dhalatay dalkaas in Xalay muwaadin Soomaaliyeed ay ku dileen deegaanka Belville oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magaalada Cape town.

 

Muwaadinka la dilay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay gaari Taxi Uber ah ayaa lagu magacaabi jiray Mohamed Deeq Cabdirashid, Maxamed Awoowe, waxaana dilka marxuumka la sheegay in dableyda ay u adeegsadeen Tooreey, xili ay ka dhacayeen gaariga uu watay.

 

Dadka Soomaalida ee ku nool Xaafada Belville ee Magaalada Cape town oo dadaalo badan sameeyay ayaa suurtagaliyay in ciidanka Booliiska dalkaas ay gacanta kusoo dhigaan burcada ka dambeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

 

War kooban oo kasoo baxay Booliiska dalkaas ayaa lagu sheegay in burcada ay haatan ku jiraan gacanta Booliiska, islamarkaana la horgeyn doono maxkamada.

 

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhax nool ama ku ganacsado wadalkaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA