Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliiska Gobolka Banaadir oo raadinaya hooyo iyo wiilasheeda oo dil argagax leh ka geestay Muqdisho

Sabti- 10 Feb-2024 {HMC} Ciidamada booliiska Gobolka Banaadir ayaa wada howlgalo ay ku baadigoobayaan hooyo iyo labo wiil ay dhashay , kuwaa oo ku eedeysan in habeen hore gurigooda oo kuyaalla degmada Kaaraan ku dileen ninkii qabay hooyada reerka.

 

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka raadinayaan hooyada iyo wiilasheeda dilka geestay, kuwaa oo dilka kaddib baxsad galay.

 

”Eedeysaneyaasha kala ah 1. Ruqiyo Axmed Cabdulle 2. Kamaal Aweys Maxamed 3. Cabaas Salaad Shaandi oo ku eedeysan in ay 09 feb 2024 mindi ku dileen Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo ahaa ninkii qabay Ruqiyo ilmahana adeer u ahaa uu soo koriyay ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka, isla markaana baxsadeen” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay booliiska.

 

Taliska booliiska ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay lasoo wadaagaan xogta hooyadan iyo wiilasheeda baxsadka ah, waxa ayna booliiska sheegeen in rejo ka qabaan in lasoo qabto hooyada iyo wiilkeeda dilka geestay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA