Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska oo mar 3-aad amray in laga guuro dhulka Dabdamiska ee Muqdisho.

Sabti, , 10-2- 2024 {HMC} – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa markii saddexaad ku wargeliyay shacabka ku nool dhulka Dab-Damiska ee xaafadda Seey-biyaano ee magaalada Muqdisho in ay ka guuraan dhulka dowladda.

Shacabka dhulkaasi ku sugan ayaa 2-jeer oo sii horreysay gaashaanka ku dhuftay go’aankii ay dowladda soo saartay, iyagoo ku adkeystay inaysan ka guuri doonin dhulkii ay sanado badan ku noolaayeen. Shaqsiyaadkan oo qaarkood la hadlay Warsidaha Hiiraanweyn, ayaa aaminsan in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, waxaana ay xuseen in aan loo kala eexan dadka ku nool dhulalka ay dowladdu leedahay.

Wararka ayaa sheegaya in taliska booliiska uu diyaariyay ciidamo gaar ah oo si xoog ah ku gali doona dhulka dabdamiska, si dadka weli ku haray looga saaro, xilli loo qabtay 3 todobaad oo kale. Shacabka dan yarta u badan ee ku sugan deegaankaasi ayaa ku andhacoonaya in aysan haysan dhaqaale ay ku guuran, iyaga oo ka codsaday siyaasiyiinta ku matala dowladda inay arrintan soo farageliyaan.

Dhawaan ayuu Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ku dhawaaqay in aan la aqbali doonin in dadka rayidka ah laga barakiciyo dhulkooda, iyadoo aan amar maxkamadeed la soo taagin.

Booliiska Soomaaliya ayaa u qabtay dadka deegaankaasi ku sugan 3 todobaad oo kale. 3 Shares 2/5 Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dhiig badan uu daadan doono hadii dowlada ay sii wado qorshaheeda ah in si xoog ah dhulka looga saaro dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA