Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dib u dhac ku yimid ku dhawaaqista Natiijada Doorashada Pakistan

Jimco 9 Feb-2024 {HMC}Urur aan dowli ahayn oo isha ku haya hanaanka doorasho ee dalka Pakistan oo lagu magacaabo FAFN ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid diyaarinta iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee doorashada guud ay keenayso su’aalo la iska weydiinayo in si habsami leh doorashadu u dhacday.

Saaka ayaa warbixin laga soo saaray doorashada 2024-ka, iyadoo lagu sheegay in inkastoo ay jiraan cabashooyin ka imaanaya xisbiyada siyaasadda oo ku aaddan in aysan helin sinnaan iyo weerarrada ururada xagjirka ah, haddana ma jiro xisbi siyaasadeed oo laga reebay tartanka doorashada.

FAFIN ayaa ku ammaanay guddiga doorashada Pakistan sida ay si macquul ah u qabteen doorashadii ugu weyneyd ee taariikhda dalkaas. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dib u dhaca ku yimid diyaarinta iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee doorashada ay keentay in la is weydiiyo sida loogu kalsoonaan karo natiijada.

Waxa uu ururku sheegay in hakinta ay xukuumadda ku meelgaarka ahi ku hakisay adeegga mobilada maalinta doorashada, iyadoon loo eegin sababo amni, ay wiiqday dadaalladii baarlamaanka ee ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamulka natiijada doorashada.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA