Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Xerada Gen. Gordan ee Muqdisho

Sabdi 10 Feb-2024 {HMC}  Labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhex dilay gudaha Xerada Ciidanka Jen Gordon oo ku taalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaraay

Labo kale oo ka tirsan saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhaawacay isla xeradaas

Wararka ayaa sheegaya in askari ka mad ah ciidanka lagu tababarayay xeradaas uu falkan geystay.

Askariga ayaa ku dhintay israsaaseyn muddo socotay oo xerada ka dhacday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada saraakiisha la dilay ee Imaaraadka ay gaareyso 9 iyo dhaawac 15 ka badan

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa taliyihii ugu sareeyay ciidanka Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jen. Gordon.

ilaa hada si rasmi ah Looma oga sababta uu askarigan dilka iyo dhaawaca ugu geystay saraakiisha Imaaraadka, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA