Sabti, , 10-2- 2024 {HMC} Howgal Ciidanka Xoogga dalka ka fuliyeen Galbeedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayey dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa A,S
Howlgalka oo uu hogaaminayay Taliyaha ururka 5aad ee Kumaandooska Danab Gaashaale Carab dheeg ayaa ka dhacay Degaanka Yaaq-dabayl ee Galbeedka Kismaayo
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkaas 36 kale oo ka tirsanaa A.S
“Ciidanka Qaranka ayaa hawlgalo Sifeyn ah ka wada goobaha ay gobolada dalka kaga dhuumanayaan Khawaarijta arxanka daran” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay ciidanka xoogga dalka