Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Howlgalka ATMIS oo shaaciyay inay Soomaaliya ka saareen 5,000 askari.

Sabti, , 10-2- 2024 {HMC} Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka saareen 5,000 oo Askari, iyo 13 Saldhig oo Ciidan oo ay ku wareejiyeen ciidanka hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee dhimista ATMIS.

Taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo khamiistii todobaadkii hore soo gabagabeeyay shir socday muddo afar maalmood ah, ayaa hoosta ka xarriiqay sidii loo dejin lahaa istaraatiijiyada ugu dambeysa ee howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo qorshaha wejiga xiga ee dhimista 4000 oo askari oo dheeri ah illaa iyo bisha June.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Souef ayaa sheegay in wejiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS uu si guul ah ku soo dhammaan doono, isagoo ku booriyay Taliyeyaasha Ciidamada ATMIS inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF), si loo sugo ammaanka inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Shirweynaha taliyeyaasha ATMIS ayaa la qabtaa saddexdii biloodba mar si loo qorsheeyo muhiimadaha amniga ee howlgalka si loo fuliyo Fikradda Howlgallada (CONOPS).

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA