Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

“Ma jirto meel ka dambeysa Rafax oo aan u qaxno” Shacabka Gaza

Sabdi 10 Feb-2024 {HMC} Falastiiniyiinta ku sugan Rafah ayaa sheegay in aysan haysan meel kale oo ay aadaan haddii Israel ay soo gasho magaaladaas ku taal koonfurta Qazakunau dhow xadka Masar.

Waxay sheegeen in Israel ayu kaga daba timid halkii u dambeysay ka dib markii ay ka soo qixisay degaanada kale ee kju yaalla bartamaha iyo woqooyiga

“Waxaan Ilaah ka baryeynaa in waxa magaalada Gaza ka dhacay aysan ka dhicin Rafah -sababtoo ah haddii mid la mid ah uu ka dhaco Rafah meel aan aadno ma heli doonno,” ayuu yiri Mohammad Jamal Abu Tour “Xaggee ayaan aadeynaa? Masar? Illahay uun baa og inay nagu soo dhawaynayaan iyo in kale”.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii amar ku siiyay militariga inay qorsheeyaan “daad-gureynta dadka” ee Rafah taasoo ah mid aan dhici karin.

Wuxuu sheegay in ciidamada Israa’iil ay “si dhakhso ah u geli doonaan Rafah, oo ah saldhigga ugu dambeeya ee Xamaas.”

Abu Mohamed El-Helw, oo ka soo barakacay Khan Younis, ayaa sheegay ineysan jirin meel ka dambeysa Rafah oo loo qaxo “Ma jirto meel ka harsan dadka Rafah inay aadaan” ayuu yiri El-Helw oo intaas ku daray in dadku ay ka daaleen dagaalka ayna la qabsadeen hanjabaadaha Israel.

In ka badan 1.3 milyan oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin magaalada Rafah, kuwaasoo badi ka barakacay qeybaha kale ee Gaza,

Qarammada Midoobay waxay aad uga walaacsan tahay masiirka dadka rayidka ah ee ku nool Rafah,” sida uu sheegay afhayeenka UN-ka Stéphane Dujarric.

Isagoo ka hadlayay warbixintiisa maalinlaha ah, Dujarric wuxuu sheegay in dadku “u baahan yihiin in la ilaaliyo,” laakiin wuxuu intaas ku daray in Qaramada Midoobay aysan sidoo kale ” doonaynin inay aragto barokac ballaaran oo lagu qasbay, dadka, taas oo qeexitaankeedu ka soo horjeedo rabitaankooda.”

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray Jimcihii ku booriyay ilaalinta rayidka.

“Ma jirto meel kale oo rafax looga gudbo waa halkii u dambeysay Gaza ee rayidku u soo qaxeen,” Griffiths ayaa yidhi. “Dadka rayidka ah waa in la ilaaliyo oo baahiyahooda muhiimka ah, oo ay ku jiraan hoy, cunto iyo caafimaad, waa in la daboolo.” ayuu intaas ku daray

Griffiths waxa uu intaa ku daray in dadka Rafah oo ka badan 1 milyan oo qof “ay u samreen silic aan la malayn karin” oo ay guurayeen muddo bilo ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA