Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo wafdi culus u diraya Ethiopia si uu ugala soo hadlo arrimaha ka taagan gobolka.

Sabti, , 10-2- 2024 {HMC}  Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa lagu wadaa inay hawl-gal diblomaasiyadeed ku tagto Addis Abeba, Ethiopia, laga bilaabo 12 ilaa 17ka Febraayo, 2024.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Kaaliyaha Xoghayaha waxaa ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Danjire Mike Hammer oo ah ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalkooda ayaa ah ka qeyb galka shir madaxeedka Midowga Afrika iyo ka qeyb galka wadahadalada heerka sare ah oo ay la yeelanayaan madaxda Midowga Afrika.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado inuu ka dhaco Addis Ababa 14-ka illaa 18-ka Febraayo, 2024-ka, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan in ka badan 34 hoggaamiye oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaal, ra’iisul-wasaarayaal, iyo dad kale oo saameyn leh.

Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Kaaliyaha Xoghaye Phee waxa uu sidoo kale wada-hadallo laba geesood ah la yeelan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee gobolka sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Booqashada saraakiisha Maraykanku waxay ku soo beegantay ka dib markii dawladda Maraykanku ay walaac xooggan ka muujisay heshiiska dhinaca badda ee Ethiopia iyo Somaliland, iyo warbixinnada dilalka rayidka ah ee lala beegsaday magaalada Merawi, ee ku taal Waqooyiga Gojjam ee gobolka Axmaarada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA