Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay yihiin warqadaha sirta ah ee laga helay Hoyga Madaxweynaha Dalka Mareykanka?

Sabti- 10 Feb-2024 {HMC} Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden, uu gurigiisa si “ula kac ah” ugu haystay dukumiintiyo sir ah oo ay dawladdu leedahay, xilligii uu xilka ka degey.

 

Waraaqaha uu haystay ayay ku jiraan dukumiintiyo ku saabsan arrimaha ciidamada iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Afghanistan iyo arrimo kale oo xasaasi ah oo ku saabsan amniga qaranka, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Waaxda Caddaaladda taas oo dhinaca kalena lagu sheegay inaan wax dacwad ah lagu soo oogayn madaxweynaha.

 

Warbixintan oo uu soo saaray baadhaha gaarka ah ee loo xilsaaray kiiska madaxweyne Biden, waa Robert Hur, oo la sii daayey Khamiistii, ayaa ka tarjumaysa, qiimayn iyo dhaleecayn xooggan oo loo jeediyey habka uu madaxweyne Biden u maareeyey waraaqaha sirta ah ee dawladda, hase ahaatee waxaa warbixintan lagu faahfaahiyey, sababaha keenay inaan dacwad lagu soo oogin madaxweynaha.

 

Natiijada ka soo baxday baadhitaankani waxay hoos u dhigi doontaa in madaxweyne Biden uu ku dhaliilo Donald Trump, habka uu u maareeyey waraaqaha sirta ah ee uu u qaatay gurigiisa raaxada eek u yaalla Florida. Trump ayay u badan tahay inuu noqdo musharaxa la tartami doonaa Biden bisha November ee foodda innagu soo haysa, .

 

Baadhaha gaarka ah ee kiiska madaxweyne Biden ayaa sheegay inay heleen caddaymo muujinaya in Biden uu si ulakac ah u haystay isla markaana u soo bandhigay waraaqaha sirta ah, ka dib markii uu ka degey xilka madaxweyne ku xigeenka, ee uu noqday muwaadinka caadiga ah.

 

Warbixinta baadhaha gaarka ah ayaa lagu sheegay, in qaybo badan oo ka mida waraaqaha sirta ah ee la soo ururiyey in laga helay gurigiisa ku yaalla gobolka Delaware iyo sidoo kale waraaqihiisii Senateka ee jaamacadda Delaware, kuwaasoo halkaas loo dhigay si khalad ah.

 

Biden ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in baadhaha gaarka ahi uu ka gungaadho baadhista uu sameeyey, oo ah inaan wax dacwad ahi ka dhalan kiiskan, isla markaana haatan ay tahay in kiiskani uu xidhmo.

 

Wuxuu sheegay inuu si gaar ah ula fadhiistay baadhaha gaarka, illaa shan saacadood, oo su’aalo kala duwan la weydiinayey, muddo laba maalmood ah gudahood ah, oo ku beegnayd bishii October 8-deedii iyo 9-keedii ee sannadkii hore, oo ahayd maalin ka dib markii weerarka lagu qaaday Israa’iil.

 

Biden ayaa sheegay inuu waraysiyada siinayey baadhaha, isaga oo la tacaalayey dhibaatooyinka caalamiga ah ee markaas taagnaa oo ay ku jirtay arrinta Israa’iil.

 

Warbixintan ayaa soo baxday, ka dib, baadhis la sameeyey muddo sannad ah, taas oo la baadhayey, eedo la xidhiidhay, in madaxweyne Biden uu si aan hagaagsanayn u maareeyey waraaqaba sirta ah ee dawladda, ee yaallay gurigiisa, xafiiskiisii Senateka iyo kiisii madaxweyne ku xigeenka.

Xigasho: VOA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA