Tuesday, July 16, 2024
spot_imgspot_img

Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Xerada Gen. Gordan ee Muqdisho

Sabdi 10 Feb-2024 {HMC} Labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhex dilay gudaha Xerada Ciidanka Jen Gordon oo ku taalla degmada Hodan sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaraay

Labo kale oo ka tirsan saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhaawacay isla xeradaas

Wararka ayaa sheegaya in askari ka mad ah ciidanka lagu tababarayay xeradaas uu falkan geystay.

Askariga ayaa ku dhintay israsaaseyn muddo socotay oo xerada ka dhacday.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa taliyihii ugu sareeyay ciidanka Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jen. Gordon.

Lama oga sababta uu askarigan dilka iyo dhaawaca ugu geystay saraakiisha Imaaraadka, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia

{DAAWO MUUQAALKA} Galmudug oo dhalinyarada Xirfadlayaasha ah ku Dhiirigalisay shaqooyinka Farsamada gacanta.

Talaado 16 July 2024 {HMC}Galmudug oo dhalinyarada Xirfadlayaasha ah ku Dhiirigalisay shaqooyinka Farsamada gacanta. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Nin 20 Dollar Naftiisa ku waayey.

Talaado 16 July 2024 {HMC} Nin 20 Dollar Naftiisa ku waayey. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA