{DAAWO SAWIRADA} Maxaa looga hadlaya shirka “World Governments Summit” ee Somalia ka qeyb galayso?

0
70

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraatka Carab ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 8-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka jeediyay qudbad kooban ayaa la wadaagay Hey’adaha Maaliyadda Carabta, Wasiirada Maaliyadda Dalalka Carbeed iyo Madaxda IMF arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay qorshihii Deyn Cafinta ee soo gaba gaboobay dhammaadka sanaddii tagtay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bixii Imaan ayaa xusay caqabadaha iyo samaynta dhanka dhaqaalaha ay ku yeelatay arrinta ka taagan Badda Cas oo bilihii u dambeeyay marakiibta isaga kala goosha ay weerar kala kulmeen.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya

417471042 867820802051194 900806629852710526 n 417465994 867820788717862 3316377751193281462 n 417447019 867820875384520 5436934317870475815 n 417404558 867820892051185 8085346830993371798 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here