Tuesday, February 27, 2024
spot_imgspot_img

Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay hal goob, kadib markii…

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay AS weerar loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee koonfurta gobolkaas, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray dad isku qoys ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha mid kamid ah uu ku dhacay guri ku yaalla deegaanka, ayna ku dhinteen aabihii iyo hooyada qoyska.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale oo ku sugnaa guriga, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Weerarka kadib waxaa howlgal sameeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Camaara, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.

Saraakiisha milatariga waxa ay sheegeen inay ku raad-joogaan kooxdii ka dambeeysay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara.

Xaaladda ayaa iminka daggan, waxaase saameynta weerarkan laga dareemayaa deegaanka, maadaama ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda AS oo ku aadan weerarka ka dhacay halkaas ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Camaara ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda AS oo haatan wajaheysa dagaal ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

{DAAWO MUUQAALKA} Xeer Ilaaliye ku xigeen Faarax Cabdiraxmaan ayaa ka codsaday Maxkamadda in ay qiimeeyso cadeymaha ay

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Xeer Ilaaliye ku xigeen Faarax Cabdiraxmaan ayaa ka codsaday Maxkamadda in ay qiimeeyso cadeymaha ay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/9vEAKzPAJAU  

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada 14 Oktobar oo lagula dardaarmay alla ka cabsi iyo askarigii qaliya waxa ku dhacayo.

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Ciidamada 14 Oktobar oo lagula dardaarmay alla ka cabsi iyo askarigii qaliya waxa ku dhacayo. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/ri-s2unxrx4  

WARARKA