Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo war kasoo saaray Weerarkii ka dhacay Xerada Gen, Gordan.

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Isutaga Imaaraatka Carabta saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Waxaan dowladda iyo shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta uga tacsiyeynaynaa saraakiishii ku naf waayey falkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa inuu janadiisa hooy uga yeelo, intii uu dhaawac kasoo gaarayna caafimaad sariic ah”.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo tilmaamay in saraakiishaas ay dalkeena u yimaadeen in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, ayaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA