Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hoobiyaal Lagu Garaacaay deegaanka Camaara iyo Khasaaro ka dhashay.

Axad 11 Feb-2024 {HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay AS weerar loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee koonfurta gobolkaas, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray dad isku qoys ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha mid kamid ah uu ku dhacay guri ku yaalla deegaanka, ayna ku dhinteen aabihii iyo hooyada qoyska.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale oo ku sugnaa guriga, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Weerarka kadib waxaa howlgal sameeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Camaara, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.

Saraakiisha milatariga waxa ay sheegeen inay ku raad-joogaan AS ka dambeeyay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara.

Xaaladda ayaa iminka daggan, waxaase saameynta weerarkan laga dareemayaa deegaanka, maadaama ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA