Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne GEELLE oo war kasoo saaray weerarkii xerada Jeneral Goordan

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa war kasoo saaray toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagixisanimo ee ka dhacay xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay saraakiil Soomaali iyo Imaaraad.

Waxa uu sheegay in dowladda Jabuuti ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo dadaal adag ugu jira sidii AS dalka looga cirib tiri lahaa.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar-sare, oo kamid ahaa Maxamed Mubaarak oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay Imaaraadka ee haystay amniga iyo tababarada ciiidanka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli ma aanay bixin faah-faahin dhameystiran oo la xiriira weerarkan, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka ugu tegay dhaawacyada, isaga oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyay Imaaraadka.

Si kastaba, weerarkaan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA