Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo dhaleeceeyey weerarkii lagu dilay saraakiisha Imaaraadka

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqisho ayaa war kasoo saartay toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal. Gordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil u dhashay Imaaratka Carabta.

Qoraal kasoo baxay safaaradda, ayaa lagu yiri“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sii sheegay<span;>, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda.”

Mareykankanka ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada saraakiisha iyo askarta lagu laayay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii xoojin doonaan taageerada ay haatan siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA