Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Meydadkii saraakiishii Imaaraadka looga dilay Muqdisho oo lagu celiyey dalkooda

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Meydadka afar askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta oo lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Al Bateen ee magaalada Dubai iyagoo la socday diyaarad ciidan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee dalkaas

Munaasabada lagu soo dhaweynayay meydadka ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo qaar ka mid ah qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta.

Ragga la dilay ayaa kala ahaa Colonel Mohammed Al Mansouri, Mohammed Al Shamsi Khalifa Al Balushi, iyo Suleiman Al Shehhi.

Waxay gudanayeen waajibaadkooda tababarida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya markii uu weerarku dhacayey, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca.

Tababarka ciidamada Soomaaliya ayaa qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku aadan qaabka iskaashiga ciidamada labada dal.

Goor sii horeysay ayay wasaaraddu shaacisay dhimashada saddex askari iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain iyo sidoo kale dhaawaca labo kale..

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka ayaa tacsi u dirtay ehelada askarta, waxayna caafimaad degdeg ah u rajeysay dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA