Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya oo dalab cusub oo damaca Itoobiya ka dhan ah u dirtay M/Afrika iyo QM

Axad 11 Feb-2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay ku dooneyso in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay si adag uga soo horjeestan xad-gudubka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa ka dalbatay Midowga Afrika iyo QM inay mowqif mabada’ ka qaatan xad-gudubka ay ku kacday xukuumadda Abiy, xilli dhawaan uu shir-madaxeedka Midowga Afrika uu ka furmayo magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladaha xubnaha ka ah inay mowqif mabda’ ah ka qaataan MOU-ga sharci darrada ah” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku boorisay AU iyo QM inay meel adag iska taagan xad-gudubka ay Itoobiya ku hayso madax-banaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dalabka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli 14-ka bishaan Febraayo loo madlan yahay shir-madaxeedka Midowga Afrika, ayada oo madaxda Afrik iyo wafuud ka socota beesha caalamka isugu tegi doonto Addis Ababa.

Waxaa sida muuqata ay dowladda Soomaaliya doonaysaa in shirka Midowga Afrika arrimaha looga hadlayo ay kamid noqdaan xad-gudubka Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Weli si dhab ah looma oga in shirkaasi uu ka qeyb geli doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haya heshiiskii is-afgarad ee madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaare Abiy ku saxiixdeen Addis Ababa.

Midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya inay xiisaddooda ku dajiyaan wada hadal iyo is qancin, ayada oo dhawaan uu Golaha Ammaanka ee QM uu xiisada labada dal u weeciyay inay xal ka gaaraan AU-da iyo IGAD.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn {27 07 2024}

Sabti  27 July 2024 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugir Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA