Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xamaas oo Golaha amaanka Q/Midoobay ugu baaqday kulan deg deg ah

Axad 11 Feb-2024 {HMC}  Ururka Xamaas ayaa ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay “si degdeg ah isugu yimaadaan kulan lagu cambaareynayo hanjabaada Israa’iil ee ah in ay duulaan ku tahay Rafah

Xafiiska warbaahinta dowladda ee Xamaas ay maamusho ayaa Sabtidii ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in “si degdeg ah u shiro” ka dib hanjabaad ka timid Israa’iil oo ku aaddan duulaanka suurtagalka ah ee Rafah , oo ah magaalo ku taal koonfurta marinka Qaza oo u dhow xadka Masar.

“Waxaan ugu baaqaynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay si deg deg ah oo degdeg ah isugu yimaadaan si ay u xaqiijiyaan go’aanka gumeysiga Israel si ay u joojiyaan xasuuqa ay ku hayso Falastiiniyiinta Gaza,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo ka digay “masiibo keeni karta in tobanaan kun oo shacab ah ay ku shahiidaan kuna dhaawacmaan duulaanka.

In ka badan 1.3 milyan oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin magaalada Rafah, kuwaasoo badi ka barakacay qeybaha kale ee Gaza, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Magaaladu waa xaruntii ugu dambeysay ee ay u soo qaxeen dadka ugu badan.

Netanyahu ayaa khamiistii sheegay in IDF ay “dhakhso geli doonto Rafah, oo uu sheegay inuu yahay saldhiga ugu dambeeya ee Xamaas”, maalintii xigtayna wuxuu faray millatariga inay qorsheeyaan ka daadgureynta dadka” magaalada oo ay barbar socoto howlgalka looga taqalusayo Xamaas”

Mustafa Barghouti, madaxa Hindisaha Qaranka Falastiin ayaa Sabtidii sheegay in weerar kasta oo lagu qaado Rafah uu horseedi doono xasuuq kale iyo isir sifeyn ballaaran oo lagu sameeyo dadka Gaza”

Human Rights Watch ayaa ka digtay in cawaaqib xumada ka dhalan karta daad-gureynta qasabka ah ee Falastiiniyiinta ku barakacay Rafah ay yeelan doonto “cawaaqib xun,” iyadoo intaas ku dartay in milatariga Israa’iil ay mas’uul ka tahay ilaalinta rayidka haddii ay baxaan iyo haddii kale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA