Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Baarlamaanka oo maanta qaadaya talaabadii ugu horreysay ee wax-ka-bedelka dastuurka

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta yeeshaan dooddii ugu horreysay ee la xiriirta wax-ka-bedelka dastuurka.

Guddiga madaxa banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa soo bandhigay ilaa afar cutub oo ay soo-jeedinayaan in wax laga bedelo, kuwaas oo ah afarta ugu horreysa ee dastuurka.

Waxaa ka mid ah kuwa muranka ka taagan yaha ee la xiriir hab-dhiska dowladda iyada oo lasoo jeediyay in loo guuro hanaan madaxweyne iyo madaxweyne xigeen meesha ka saaraya xafiiska Raysal wasaaraha, labo xisbi oo ay Soomaaliya yeelato, iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Qorshahan wax-ka-bedelka dastuurka oo kasoo dhex baxay heshiiskii Madasha Wada Tashiga Qaran ee dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada waxaa diiday oo dhaleeceeyay madaxweyneyaal hore oo uu ka mid yahay Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo Raysal Xasan Cali Khayre, iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa sidoo kale qorshahan kasoo horjeeda dowlad goboleedka Puntland

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA