Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay Shabakad dilal fulin jirtay iyo ninkii dilay…

Isniin 12 Feb-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen koox shabakad katirsan Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in dilalka qorsheysan ka fulin jireen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo maanta warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen nin ka dambeeyay dil isbuucii hore magaalada Muqdisho loogu geestay Nabadoon Muuse Haaruun Aadan iyo askari la socday.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidanka amniga oo gacan ka helayay dadka deegaanka soo qabteen ninkii ka dambeeyay dilka nabadoonka iyo askariga la socday, isaga oo dhaawac, waxa uuna dilaaga magaciisa ku sheegay Cabdi Cabduqaadir Maxamed.

Afhayeenka ayaana sheegay baaritaan kaddib in ciidamada amniga u suurto gashay in lasoo qabto shabakad ka kooban todobo xubnood oo Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka, iyaga oo adeegsanaya Bajaaj,waxa uuna xusay in kooxdan xiriir la lahaayeen ninka dilay nabadoonka.

Ugu dambeyn afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in eedeysanaha dilka nabadoonka iyo sargaalka la socday loo heesto iyo kooxda kale ee lasoo qabtay gacanta lagu hayo kuna socdaan baaritaanno, waxa uuna xusay in maxkamad loo gudbin doono.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA